Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa la sheegay inuu amar ku siiyey Bankiga Dhexe ee Soomaaliya inuusan bixin karin lacag caddaan ah (Kaash).
Arrintan ayaa ka danbeysay shirkii Golaha Wasiirada ay yeesheen 2-dii Bishan September oo lagu ansixiyey Xeerka Xayiraadda Lacagaha oo Wasaaradda maaliyadda ay Golaha hor keentay, taasoo saamaxaya inay xukuumaddu joojiso lacagaha laga shakiyo ee laga bixiyo Bankiga Dhexe.
Shirka ayaa Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre wuxuu sheegay muhiimadda ah in dowaddu xayirto lacagaha aan saxda ahayn, si loo xaqiijiyo in lacagaha aysan wado khaldan ama hab sharci darro ah ku bixin.