Sunday, July 13, 2025

Ra’iisal wasaare Kheyre oo kormeeray Ciidamada Gaarka ah ee xukuumaddu geysay Dhuusamareeb [Sawirro]

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa kormeeray ciidamada gaarka ah ee Booliiska Haramcad oo dowladda Somalia u dirtay magaalada Dhuusamareeb oo gacanta ku haya xarumaha muhiimka ah ee magaaladaasi.

Cidamadan oo ah kuwa Booliiska ee sida gaarka ah u tababaran ayuu Ra’iisal wasaaraga sheegay inay yihiin ciidamo ka howl-gala meel kasta oo dalka kamid ah ee Qaranku u diro inay ka shaqeeyaan, wuxuuna faray inay sii xoojiyaan dadaalkooda Amniga Dhuusamareeb.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa kormeeray xarunta lagu qabanayo shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug iyo deegaannada ergada shirka ka qayb geleysa ay magaalada ka deganyihiin.
Ra’iisul Wasaaraha XFS ayaa shalay u yimid magaalada Dhuusamareeb dardar-gelinta dadaallada lagu dhammeystirayo qorshaha dhismaha hey’adaha dowladeed ee Galmudug iyo furitaanka shir-weynaha dib-u-heshiisiinta.

Dhinaca kale Ra’iisal Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya ayaa soo tababar u soo xiray tababar u socday saraakiil ka tirsan guutada 15-aad ee qaybta 21-aad ee ciidanka xoogga dalka oo hore uga tirsanaa ciidamadii Ahlu suna. Saraakiishan ayaa la baray habka maamulka, kala sarreynta iyo xeerarka uu ku dhaqmo ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON