Tuesday, July 1, 2025

Ra’iisal wasaare Kheyre oo kulan degdeg isugu yeeray Golaha Wasiirada [Maxaa laga filayaa..?]

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa kulan aan caadi ahayn oo degdeg isugu yeeray Golaha Wasiirada xukuumadda Soomaaliya.

Kulankan oo saacado ka dib ka furmi doona xarunta Golaha Wasiirada ayaa la sheegay in looga hadli doono xaaladda amaaanka Muqdisho ee faraha ka sii baxeysa iyo tallaabooyinka ay xukuumadda qaadeyso.

Ra'iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre
Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre

Ra’iisal wasaare Kheyre oo shalay uun kasoo laabtay safar uu ku tegay dalka Turkiga ayaa maanta ka qeyb galay shirka madaxda dowladda Federaalka iyo maamul Goboleedyada, iyadoo saaka iyo xalay ay dhacee shirar ay lahaayeen guddiyada ammaanka Qaranka.

Shirka Golaha wasiirada yeelan doonaan galabta ayaa la sheegay in lagula xisaabtami doono taliyeyaasha ciidamada oo ka soo qeybgeli doona, waxaana la filayaa in go’aano cusub oo dhinaca amniga ah ay soo baxaan.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON