Tuesday, June 24, 2025

Ra’iisal wasaare Kheyre oo kulan isugu yeeray Ganacsatada Muqdisho & Arrimihii looga hadlay. (Sawirro)

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa kulan isugu yeeray caawa ganacsatada waaweyn ee dalka ee fadhigoodu yahay magaalada Muqdisho, isagoo kala hadlay xaalada adag ee ka dhalatay Cudurka Coronavirus.

Kulanka oo ka dhacay xafiiskiisa Ra’iisal wasaaraha ayaa Ganacsatada looga codsaday inaysan wax saameyn ah ku yeelan maciishadda arrinta ka dhalatay cudurka #Covid_19, iyo sidii bulshada loogu fududeyn lahaa adeegyada quutul-daruuriga ah.

Wasiirka Ganacsiga C/llaahi Cali Xasan ayaa sheegay in shirka ganacsatada iyo Ra’iisal wasaaraha looga hadlay xaaladda ka dhalatay Coronavirus iyo sidii loo yareyn lahaa saameynta ka dhalatay cudurka dunida ku faafay, lagana wadahadlay qaabkii la isku kaashan lahaa, iyadoo la sameeyay guddi wadashaqeyn.

Ganacsatada ayaa sheegay inay dalka taallo daawo iyo raashin ku filan dadka, waxayna ka codsadeen tallaabooyin lagu fududeyn karo arrimo ay uga baahan yihiin dhinaca dowladda, iyadoo la xoojinayo wada-shaqeynta labada dhinac.

Image may contain: 1 person, standing
Image may contain: one or more people, people sitting, wedding, table and indoor
Image may contain: 3 people, people sitting, table and indoor
Image may contain: 9 people, people sitting and table

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON