Sunday, June 22, 2025

Ra’iisal wasaare Kheyre oo magaacaabay Guddi ka kooban 8 Wasiir & Laba xubnood [AKhriso Wareegtada]

Ra’iisul wasaaraha XukuumaddaXasan Cali Kheyre ayaau magacaabay guddi heer Qaran ah oo ka kooban Toban Xubnood, kuwaasoo loo xil saaray qabanqaabada Xuska todobaadka Maalmaha Xorriyadda.

Wareegto kasoo baxday xafiiska Ra’iisal wasaaraha ayaa lagu sheegay in guddigan oo wasiiro ah ay ka shaqeynd onaan xuska Midnimada iyo Madax-bannaanida Soomaaliya oo ku beegan Sanad guurada 58aad ee 26 Juun iyo 1 Luuliyo ee 2018.

Guddigaan, ayaa hawshooda waxay ku eg tahay marka Munaasabadaha ay dhammaadaan, waxayna magacyadooda ay kala yihiin:-

Ad

1-Daahir Maxamuud Geelle, Wasiirka Warfaafinta.                         Guddoomiye

2-Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, Wasiirka Ganacsiga.                 Xubin

3-C/raxmaan Ducale Beyle  , Wasiirka Maaliyadda.                       Xubin

- Advertisement -

4- Xasan Cali Maxamed  ,     Wasiirka Gaashaandhigga.                Xubin

5-Maxamed Abuukar Islow,  Wasiirka Amniga gudaha.                  Xubin

6-Khadiijo Maxamed Diiriye, Wasiirka Dhalinyaradda.                    Xubin

7- Deeqa Yaasiin X. Yuusuf , Wasiirka Haweenka.                          Xubin

- Advertisement -

8-Saalax Axmed Jaamac , Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha.         Xubin

9-C/raxmaan Cumar Cismaan, Guddoomiyaha G/Banaadir.             Xubin

10-Bashiir Axmed Cusmaan , Agaasimaha. Golaha wasiirada  iyo Xiriirka Baarlamaanka.     Xoghaye guud

Shaqada laga rabo guddigaan

1-Inay qaban qaabiyaan Xuska maalmaha Xorriyadda 26-ka Juun iyo 1-da Luuliyo.

2- In ay si siman u xiriiriyaan hay’adaha qeybta ku leh qaban-qaabada maalmaha Xoriyadda iyo Midnimada Soomaaliyeed.

3-In ay jaan-gooyaan Kharashaadka ku baxaya xuska Maalmaha xorriyadda.

4-In ay magacaabaan guddi-hoosaadka farsamo ee abaabulka maalmaha Xoriyadda.

5-In ay sugaan Amniga goobaha kala duwan ee lagu qabanayo munaasabadaha 26-ka Juun iyo 1-da Luuliyo ee 2018-ka.

6-In ay kormeeraan sida ay u socdaan hawlaha guddi-hoosaadka farsamo ee abaabulka iyo munaasabadaha Qaran.

Warar Xul ah
SourceSONNA

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON