Sunday, June 22, 2025

Ra’iisal wasaare Kheyre oo magacaabay Agaasime iyo Xoghaye Wasaarad muhiim ah [Akhriso Magacyada]

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa magacaabay Xoghaye joogto ah oo cusub iyo Agaasimaha Guud oo ay yeelaneyso  Wasaaradda Qorsheynta iyo  Maalgashiga Caalamiga ah.

Magacaabidda ayaa la sheegay inuu sameeyay wasiirka Wasaradda Jamaal Maxamed Xasan, iyadoo uu ansixiyey Ra’iisal wasaaraha, waxaana loo magacaabay  Xoghayaha Joogta ah ee Wasaaradda Qorsheynta Cabdulkaadir Aadan Maxamed, halka Agaasimaha Guud ee wasaaradda qorsheynta loo magacaabay  Asad Yuusuf, iyadoo aan labadii mas’uul ee hore xilkaasi u hayey xilalkii laga qaaday.

Xukuumadda Kheyre ayaa hor u shaacisay in in xioalka Agaasimayaasha guud ee 27-ka Wasaaradood loo tartami doono, taasoo u muuqata in balanqaadkaasi uu hirgeli waayey, waxaana markii go’aankaasi soo baxay kadib la magacaabay agaasimeyaal kala duwan.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON