Friday, June 27, 2025

Ra’iisal wasaare Kheyre oo mahadcelin ugu tegay Ciidamada Xasilinta, una sheegay.. [SAWIRRO]

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa mar kale maanta booqday xarunta ciidamada xasilinta Caasimadda.

Ra’iisal wasaaraha ayaa u sheegay ciidamada inuu ugu yimid mahadcelin, isla markaana uu aqoonsan yahay kaalinta ay uga jiraan ammaanka caasimadda iyo xasiloonida ka jirta.

“Maanta caasimadda waa laga dareemayaa deganaan iyo xasilooni aad sabab u tihiin, Waan idiinka mahad celinayaa sidaad heeganka ugu tihiin” ayuu yiri Ra’iisal wasaare Kheyre oo ciidamada xasilinta ku amaanay doorkooda sugidda nabadda Muqdisho.

Ra’iisal wasaare Kheyre ayaa si joogto u booqda ciidamada xasilinta caasimadda isagoo dardaaran iyo dhiirigelin u jeediya.

SAWIRRO

https://pbs.twimg.com/media/DF6ieCeW0AMo9QL.jpg

https://pbs.twimg.com/media/DF6i61NXsAAsIwG.jpg

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON