Sunday, July 13, 2025

Ra’iisal wasaare Kheyre oo raalin gelin bixiyay, lana wareegay Arrimaha Dastuurka [Sawirro]

 Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo maanta xarunta Aqalka Sare kula kulmay Guddiga dib-u-eegista Dastuurka ee Baarlamaanka ayaa raali gelin ka bixiyay khaladkii ka dhacay Wasaaradda Dastuurka isagoo sheegay inuu shaqsi ahaan la wareegayo arrimaha Dastuurka.

Shirkan ayaa yimid kadib markii uu baaqday shirweyne ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Dastuurka xukuumadda Soomaaliya oo ay qaadeen Guddiga ee baarlamaanka iyo Guddiga Dastuurka ee madaxa banaan, waxaana looga hadlay qaabkii ay u  wada shaqeyn lahaayeen hay’adaha ku howlan dastuurka iyo xukuumadda.

Ra’iisal Wasaare Kheyre ayaa sheegay ahmiyadda ay leedahay in laga wada shaqeeyo dhammaystirka dastuurka, si loogu gudbo wax walba oo dib-u-dhac u keeni kara in waqtigii loogu talagalay ay ku dhamaan wayso dib-u-eegista Dastuurka.

Guddoomiyaha Guddiga la socodka arrimaha dib-u-eegista Dastuurka ee Baarlamaanka Mudane Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid, ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaaraha ay isku fahmeen wixii khilaaf ah in la dhameeyo si howlaha Dastuurkana la der-gergeliyo.

SAWIRRO

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON