Thursday, July 10, 2025

Ra’iisal wasaare Kheyre oo safar uga dhoofay magaalada Muqdisho, kuna sii jeeda…

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa goor dhoweyd ka dhoofay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho.

Ra’iisal wasaare Kheyre iyo wafdigiisa ayaa la sheegay inay ku si jeedaan dalka Switzerland, isagoo magaalada Geneva uga qeyb geli doona shir caalami ah oo looga hadlayo Xuquuqul Insaanka iyo shaqo la’aanta Dhalinyarada.

Safarka Ra’iisal wasaare Kheyre ayaa safarkiisa ku soo beegmay qarax weyn oo dad badan ku dhinteen iyo sanadguuradii labaad ee dhismaha xukuumadiisa oo si weyn loo hadal hayey isku shaandheyn lagu sameynayo Golaha Wasiirada xukuumadda Somalia.

Madaxda sare ee xukuumadda Somalia ayaa sii kordhiyey safarradooda dibadda, waxaana madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka ay ka mid yihiin madaxda ugu socdaalka badan dalka waxaana ku soo biiraya Ra’iisal wasaaraha.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON