Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa shaaciyay in qorshe lagu sugayo ammaanka caasimadda ay gacanta ku heyso dowladda Federaalka.
Isagoo ka hadlayay xafladii xil wareejinta ee Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayuu sheegay in guddoomiyaha cusub Taabit Cabdi uu ka qeyb galay shirkii Guddiga ammaanka oo looga hadlay ammanka Muqdisho.
Ra’iisal wasaaraha ayaa xaqiijiyay inuu jiro qorshe ammaanka wax looga qabanayo oo dowladda ay diyaarineyso, kaasoo lala kaashan doono shacabka, wuxuuna intaas ku daray in dowladda aanay u dulqaadan karin xaaladda ammaandarro ee dalka.
DHAGEYSO