Ra’iisAl wasaaraha Xukuummadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa maanta soo gabagabeeyey wajiga Barnaamijka loogu yeeray la-xisaabtanka Golaha Wasiiradda oo sanadle ah, kasoo la heegay in lagu qiimeynayo howlaha Wasaaradaha.
Wasiirada maanta la-xisaabtanka kasoo muuqday ayaa kala ahaa: Wasiirka Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha, Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha bulshadda, Wasiirka Xanaanada Xoolaha, Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta, Wasiirka Amniga iyo Wasiirka Ganacsiga iyo warshadaha.
Wasiirrada ayaa la sheegay inay Ra’iisul Wasaaraha usoo bandhigeen waxyaabaha u qabsoomay iyo qorsha howleedkooda. Wasiiru dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaraha xukuumada Cabdullahi Xaamud ayaa sheegay in isla xisaabtanku uusan ku ekaan doonin Wasiiradda balse cid kasta lala xisaabtami doono oo dowladda mas’uuliyada u heysa.