Monday, June 23, 2025

Ra’iisal wasaare Kheyre oo tababar u furay Ciidamadii la Qarameeyay ee Ahlu suna (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa maanta tababar u furay ciidamadii dhawaan laga qarameeyay degaannada Galmudug ee loo diiwaan geliyay in ay ku biiraan ciidanka xoogga dalka, loona diyaarinayo xoreynta deegaannada argagaxisadu uga sugantahay dowlad gobaleedka Galmudug.

Xasan Cali Khayre oo ka hadlay munaasabadda furitaanka tababarka ayaa ciidamada kula dardaarmay in ay tababarka uga faa’iideystaan hannaanka ugu habboon si ay awood buuxda ugu yeeshaan in dalka iyo dadka Soomaaliyeed ay ka xoreeyaan argagaxisada dhibaatada ku heysa ee ka hor taagan horumarka

Kheyre ayaa ciidanka iyo saraakiisha faray kadib tababarkoda in ay dalka iyo dadka Soomaaliyeed si wadajir ah ugu shaqeeyaan ayna ka qayb qaataan soo celinta sharafta iyo karaamada ummadda Soomaaliyeed.

Munaasabadda furitaanka tababarrada ciidamada dowladdu ay dhawaan qarameysay waxaa goob joog ka ahaa xubna ka tirsan golaha wasiirrada, madaxa fulinta Galmudug, wakiillada Qarmada Midoobay, Midawga Afrika iyo IGAD, iyo safiirada Midawga Yurub, Qatar, Turky, Ethiopia, Talyaaniga, Norway iyo Kenya.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON