Sunday, July 13, 2025

Ra’iisal Wasaare Kheyre oo tacsi ugu tegay Qoyska Marxuum Yariisow. [Sawirro]

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa tasci ugu tegay qoyska iyo ehelka uu ka geeriyooday guddoomiyihii gobalka Banaadir Eng. C/raxmaan Cumar Cusmaan (Yariisow) oo Khamiistii ku geeriyooday magaalada Doha iyo dalka Qatar.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa la kulmay Ugaas Maxamuud Cali Ugaas iyo maamo Nuuriye Xassan Isxaaq oo ah hooyada dhashay guddoomiye Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan , wuxuuna ka gutay tacsida, waxaana halkaasi loogu duceeyay inuu marxuumka Jannadii ka waraabiyo.

Ugaas Maxamuud Cali Ugaas iyo dhammaan ehelka ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga mahadceliyay tacsida uu ugu yimid qoyska., iyadoo Ra’iisul Wasaaraha uu saxiixay buugga tacsida Marxuum Cabdiraxmaan Yariisow oo uu ku tilmaamay inuu ahaa mas’uul Soomaalinnimadu ku weyn tahay oo u taagnaa qarannimada.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON