Tuesday, July 15, 2025

Ra’iisal Wasaare Kheyre oo u dhoofay Dalka Sacuudiga [Boqortooyada oo diyaarad gaara u soo dirtay]

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda  Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u dhoofay dalka Sacuudiga, kadib casuumaad uu ka helay Boqorka dalkaasi Salman bin C/casiis oo diyaarad gaara u soo diray.

Wararka ayaa sheegaya in Wafdiga Ra’iisul wasaare Kheyre ay dalka Sucuudiga kula kulmi doonaan madaxda dalkaasi oo uu ka mid yahay boqor Salmaan iyo dhaxalsugaha Mohamed Bin Salman, iyadoo socdaalkiisu qaadan doono mudo laba maalmood ah, waxaana ku wehliya wasiirrada arrimaha dibadda, iyo ganacsiga, warfaafinta iyo xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka.

Wasiirka warfaafinta Daahir Maxamuud Geelle ayaa sheegay in Ra’iisul wasaare Kheyre iyo madaxda dalka Sucuudiga ay yeelanayaan kulamo looga hadlayo xoojinta xariirka walaaltinimmo ee labada dal ka dhexeeya, isbedellada gobalka iyo guud ahaan caalamka.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON