Sunday, July 13, 2025

Ra’iisal wasaare Kheyre oo Wadahadal ugu laabtay magaalada Caddaado & Odayaasha oo diiday..

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre dib ugu laabtay magaalada Cadaado, isagoo safar kale oo dhulka uga socdaalay Dhuusamareeb oo uu ku sugnaa.

Ujeedada socdaalka Ra’iisal wasaare Kheyre ayaa yimid kadib markii odayaasha Cadaado ay si weyn uga hor yimaadeen qorshaha xukuumadda ee ah in doorashada Galmudug lagu qabto magaalada Dhuusamareeb, waana markii labaad ee Kheyre uu tago Cadaado.

Shirar gaara oo u dhaxaaya Ra’iisul Wasaaraha iyo odayaasha dhaqanka Cadaado ayaa ka bilaabanaya maanta magaalada Cadaado, iyadoo dadaal loogu jiro in xal loo helo loolanka beelaha dega labada magaalo ee Cadaado iyo Dhuusamareeb.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in odayasha magaalada Cadaado ay diideen inay la kulmaan raiisal wasaare Xasan Cali Kherye oo ay ku eedeeyeen inuu uga baxay ballan uu hore ula galay.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON