Tuesday, June 24, 2025

Ra’iisal Wasaare Kheyre oo War cusub kasoo saaray cudurka Coronavirus. “Waxaa sii xirnaan doona…”

Ra’iisul Wasaare xukuumadda Soomaaliya ayaa war cusub kasoo saaray coronavirus iyo cudurka COVID-19, isagoo shaaciyey inay sii xirnaan doonaan goobaha waxbarashada iyo duulimaadyada caalamiga ah iyo gudaha.

Khudbad uu jeediyey goor dhoweyd ayuu Ra’iisal wasaare Kheyre ka hadlay xaaladihii ugu danbeeyay ee cudurka Coronavirus iyo sida uu dunida ugu faafay, wuxuuna sheegay in daawada ugu wanaagsan ee cudurkan ay tahay ka hortag.

“Waxaa illaa amar dambe xiranaan doona Duullimaadyada dibadda iyo gudaha si looga hortago cudurkan, Waxaa illaa amar dambe sii xirnaan doona iskuulada, dugsiyada quraanka iyo jaamacadaha. Waxaa kale oo lagama maarmaan ah in la joojiyo dhammaan xafladaha iyo isu imaatinka sababtoo ah Cudurkan waxaa lagu kala qaadaa isu dhawaanshaha iyo istaabashada, waxaa muhiim ah qofkii awooda inuu gurigiisa joogo oo lagu cibaadeysto guryaha..” ayuu yiri Ra’iiisal wasaare Kheyre.

Wuxuu sheegay inay wadahadallo kula jiraan ganacsatada iyo beesha caalamka sidii loo yareyn lahaa saameynta uu yeelan doono cudurka, wuxuuna ganacsatada dalka ugu baaqay inaysan kordhin sicirka cuntada quutul daruuriga ah, dowladuna ay canshuurta ka yareyn doonto.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON