Wednesday, June 25, 2025

Ra’iisal wasaare Kheyre oo War kasoo saaray Qarixii Muqdisho & Dagaal…

Ra’iisal wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa war kasoo saaray qaraxii shalay ka dhacay Muqdisho.

Ra’iisal wasaare Kheyre ayaa tacsi u diray dadkii ku dhintay 10 Qof oo rayid ah.  Wuxuu sheegay in xukuumadda iyo shacabka oo iskaashana ay wadajir uga hortagi karaan kooxda Al-shabaab.

Qoraalo kookooban oo uu soo dhigay bartiisa twitter-ka ayuu ku sheegay in xukuumadiisa ay xoogga saari doonto la dagaalanka Alshabaab. “Xukuumadaydu waxay diiradda saari doontaa la dagaalanka kooxdan cadawga ah, mana joojin doono ilaa inta laga sifayn doono kooxdaas” ayuu yiri Kheyre.

Madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha ayaa inta badan ka gaabsada qaraxyada ka dhaca magaalada Muqdisho oo saameyn ku leh, halka ay si degdeg ah uga hadlaan falalka ka dhaca meelaha ka baxsan magaalada Muqdisho.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON