Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa awood dheeraad ah siiyay wasiiradiisa, isagoo kula dardaarmay howl adag iyo shaqo gudasho.
Wasiirka koowaad ayaa wasiirada oo dhan kala hadlay arrinta ku saabsan kordhinta dakhliga soo gala dowladda, la-dagaalanka musuqa iyo la-xisaabtanka madaxda iyo shaqaalaha wasaaradahooda.
Ra’iisal wasare Kheyre ayaa awood u siiyay wasiirada cusub inay shaqada ka joojiyaan qof kasta oo ay ku arkaan shaqo xumo, musuq iyo wax isdaba marin, isaguna uu xilka ka qaadi doono, iyadoo aan haba yaraatee loo eegin qofka uu yahay.
Arrintan ayaa keentay inay wasiirada xukuumadda cusub ku dhiiradaan shaqo ka joojinta mas’uuliyiinta ay farta ku godneyd ee wasaaradahooda, waxaana maanta shaqadii laga fariisiyay agaasimihii ugu horeeyay ee Wasaaradeed.
Sidoo kale Wasiirka Amniga ayaa dhowaan shaqada ka fariisiyay taliye boolis oo ka mida saldhigyada Muqdisho, waxaana socda olole shaqaalaha dowlada lagu koontaroolayo.
Goobjooge.com