Wednesday, June 25, 2025

Ra’iisal Wasaare Kheyre oo Wasiiradiisa ka joojiyey Awoodii xil ka qaadista Agaasimeyaasha & Xoghayeyaasha [Akhriso]

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa wasiiradiisa ka mamnuucay inay xil ka qaadis ku sameeyaan xoghayeyaasha joogtada ah iyo agaasimeyaasha Wasaaradaha xukuumadda Soomaaliya.

Qoraal kasoo baxay xafiiska Ra’iisal Wasaaraha oo ku socday xubnaha Golaha Wasiirada, lana ogeysiiyey madaxweynaha ayaa lagu sheegay in iyadoo la tixgelinayo habsami u socodka howlaha ay hayaan xoghayeyaasha joogtada ah iyo agaasimeyaasha guud in tallaabadan loo qaaday.

Arrintan ayaa ka danbeysay markii wasiiro badan oo xilka loo magacaabay ay shaqooyinka ka joojiyeen agaasimeyaashii guud ee wasaaradaha, kuwasoo uu ugu danbeeyay wasiirka Ganacsiga Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), waxaana go’aanka Ra’iisal wasaaraha uu ku cad yahay inuusan wasiirku awood u lahayn xil ka qaadista labadan mas’uul isagoo aan kala tashan Ra’iisal wasaare Kheyre.

HOOS KA AKHRISO WAREEGTADA

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON