Sunday, July 13, 2025

Ra’iisal wasaare Kheyre oo xariga ka jaray Xarunta CID-da oo Dayactir lagu sameeyay Bil ka hor [Sawirro]

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa xarigga ka jaray xarunta dembi baarista ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee CID oo dib u dayactir lagu sameeyey laba bilood ka hor.

Xarunta hoggaanka Baarista dembiyada  ee CID ayaa la sheegay in lagu dayac diray barnaamijka is-xilqaan oo ah mid lagu dhisayo xaruumaha Dowladda iskaa wax u qabso, waxaana dhaqaalaha dadweyne iyo ganacsato kala duwan oo taageeray dibu dhiskeeda, iyadoo aanay xukuumadu wax dhaqaale ah ku bixin.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa xalay kormeer ku sameeyey guud ahaan qeybaha ay ka kooban tahay xarunta sida qaybaha ay yalaan qalabka lagu  baaro Fal dembiyeedyada, kuwa lagu ogaado nuucyada qaraxyada oo casri ah iyo 6 Gaadiid ah oo cusub waa oo uu leeyahay hoggaanka CID.

Wasiirka Amniga Qaranka  ee Xukumadda Federaalka Soomaaliya  Maxamed Abuukar islow (Ducaale) ayaa tilmaamay in wasaaradda amniga ay wax lagu faano u tahay in  ciidanka Booliska Soomaaliyeed ay noqdaan  hormuudka barnamijka isxilqaan.

Xaflad la qorsheeyay in lagu furo dayactirka Xarunta CID-da ayaa hore u baaqay 19-kii July oo hadda muddo Bil ah laga joogo, iyadoo habeenkaasi u ra’iisal wasaarah u suurageli weyday inuu xafladaasi tago, taasoo keentay in dib loo dhigo.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON