Monday, July 14, 2025

Ra’iisal wasaare Kheyre oo Xil cusub u magacaabay Hay’adda Isku Xirka Deeqaha dalka [Akhriso]

Ra’iisal wasaaraha Xukuumadda  Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa magacaabay xil ku cusub dalka oo lagu sheegay Madaxa Unugga Isku Xirka Deeqaha, kaasoo ka shaqeyn doona arrimaha la xiriira Deeqaha la siinayo dalka.

 Waxaa xilkan loo magacaabay Muxumed Xuseen Axmed oo la sheegay inuu yahay khabiir  in muddo ah  kasoo shaqeeyay Arimaha Gargaarka, waxaana Unugga  Isku  Xirka Deeqaha (Aid coordination unit- Acu) u taagan taabba gellinta iyo socod siinta hannaanka fullinta qorshaha Qaranka.

Xafiiska Ra’iisal wasaaraha ayaa sheegay in Unuga yahay isku xiraha deeqaha iyo taabbagellinta hannaan ay ku wada hadlaan Soomaaliada iyo deeq bixiya yaasha, kaasoo  ka caawiya Dowladda hannaanka qorshaha Qaranka sida arrimaha xog ururinta iyo loo-jistikada.

Sidoo kale Unugan  Isku  Xirka Deeqaha  waxuu qaban qaabiyaa  shirar kala duwan oo qorshaha Qaranka lagu taabba geliyo sida Hannaanka Wadaagga ee Soomaaliya ( Somalia Partnership Forum), Sanduuqa dib u diska Soomaaliya ( SDRF) iyo Shirarka Tiirarka (Pillars), isagoo Dowladda ka caawiya  isku xirka hay’adda dawladda & Gobolada iyo Daba galka Dhaqdhaqaha Deeqaha (Aid  mapping Exercise).

Ra’iisal wasaare Kheyre ayaa si joogto ah u magacaaba Gudiyo iyo xubno la wareega shaqada Wasaaradaha xukuumadda, taasoo keentay inay is casilaan qaar ka mida wasiirada.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON