Dowladda Itoobiya ayaa War yaab leh kasoo saartay kulan magaalada New York ee xarunta Q/Midoobay ku dhex maray Ra’iisal wasaarayaasha Soomaaliya iyo Itoobiya.
Wakaalada wararka Itoobiya ayaa shaacisay in Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn uu xaqiijiyay mowqifka dowladiisa oo ah inay dooneyso inay mar kale aragto Soomaaliya oo awood leh, ahna dal nabdoon.
Kulankan oo ay hareeyeen dhoola caddeyn, laakiin aanay faafin wafdiga Soomaaliya ee Q/Midoobay ayay Wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya sheegtay in Ra’iisal wasaaraha Itoobiya uu dhiggiisa Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ku qaabilay Qunsuliyadda ay itoobiya ku leedahay magaalada New York.
Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Hailemariam ayaa sheegay in dowladiisa ay si dhow ula shaqeyneyso dowladda Soomaaliya, halka Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya uu qiray kaalinta muhiimka ah ee dowladda Itoobiya ka ciyaareyso dadaalada qaranka Soomaaliya ee lagu sugayo ammaanka iyo horumarinta Soomaaliya.
Ra’iisal wasaare Kheyre ayaa sheegay inaysan Soomaaliya gabbaad u noqon doonin kooxaha carqaladeynaya nabadda iyo xasiloonida Itoobiya ayna si wadajir ah u wajihi doonaan Soomaaliya iyo Itoobiya. Waa sida ay shaaciyay wakaalada wararka Itoobiya oo soo xigatay Wasaaradda arrimaha dibadda dalkaasi.
HOOS KA AKHRISO WARKAN
Ethiopia Committed to See Strong, Stable Somalia: PM Hailemariam
Maxaa loo qariyay kulankii dhex maray Ra’iisal Wasaarayaasha Soomaaliya iyo Itoobiya..? [Sawirro]