Sunday, July 13, 2025

Ra’iisal Wasaare Kheyre & Wafdi la socda oo Diyaarad Helikobtar u qaadanaya Magaalada Beledweyne

Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ku sii jeeda magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan oo fatahaad ay go’doomisay.

Ra’iisal wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa lagu wadaa inay magaalada Beledweyne ku tagaan diyaarad Helikobar ah, taasoo ay ugu wacan tahay in garoonka magaalada Beledweyne ay biyo fadhiyaan oo in muddo ah aanu shaqeyneynin.

Kormeerka Ra’iisal wasaaraha ayaa ku saabsan sidii uu indhihiisa ugu soo arki lahaa xaaladda magaalda Beledweyne oo inta badan dadkii ku noolaa ay ka barakaceen, iyadoo xaalad culus ay ku heysato daafaha magaalada.

XUkuumadda Soomaaliya ayaa guddi u saartay gurmadka dadka ku waxyeeloobay fatahaadda webiga Shabelle ka geystay gobollada Hiiraan iyo Sh/Dhexe.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON