Wednesday, July 9, 2025

Ra’iisal Wasaare Kheyrre oo Amarro anshax ah ku soo rogay Golaha Wasiirada & Wasiiro ka careysan

Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa amarro cusub ku soo rogay golaha wasiirada Soomaaliya, isagoo  kulamadii ugu horeeyay isku dayay inuu dhaqan cusub u yeelo wasiirada.

Tallaabooyinka adag ee Ra’iisal wasaaraha la yimid ayaa waxaa ka mida:

1 – In la ilaaliyo xilliga shirka la galeyo, wasiirkii soo daahana uu dib u noqon doono

2- In aan shirka dhexdiisa telefoon lagu hadli karin, qofkii telefoon ka muhiimsan shirka doonayana uu bannaanka ula baxo.

3- Inaan hadalka lagu dheeraan oo si kooban loo hadlo.

Arrimahan oo ka mida kuwa ugu sahlan ee qof mas’uul ah looga baahnaa inaan loo sheegin ama lagu amrin ayaa dhibaato ka dhex dhaliyay shirarka Golaha Wasiirada oo intii la ansixiyay markii labaad maanta qabsoomaya.

Ra'iisal Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre
Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre

Wasiirada Soomaaliya ayaa hore u caadeysay dhaqanno aan wanaagsaneyn oo ay ugu horeyso in shirarkoodu bilowdaan duhurnimada iyo in wasiir waliba xiligi uu doono yimaado kunam mashquulo telefoonkisa inta shirku socdo.

Mid ka mid wasiirada cusub ayaa ka carootay markii Ra’iisal wasaaruhu ka dalbaday inay hadalka soo gaabiso, iyadoo ku dooday inay xadgudub lagu sameeyay, waxaana Ra’iisal wasaare Kheyre oo bartay shaqaale toosan oo hay’ad NGO ah u shaqeeya sugaya inuu la tacaalo odayaal iyo haween mas’uuliyiin ah oo mas’uuliyiin oo doonaya in la baro nidaam ay ahayd inay dugsiyada hoose ku soo bartaan.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON