Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa maanta magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga ka furay shirkii qurba-joogta Soomaaliyeed.
Shirka oo socon doona muddo 4 maalmood ah ayaa waxaa ka qeyb galay ergooyin ka kala yimid dalalka dunida oo shirka lagu casuumay, iyadoo looga hadli doono kaalinta Qurbe joogta, dib-u-heshiisiinta, ganacsiga iyo arrimo kale.
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Dalka oo khudbad ka jeediyay furitaanka shirka ayaa sheegay doorka ay Qurbe-joogta Soomaalida ku leeyihiin siyaasadda dalka, wuxuuna soo qaatay in 107 xildhibaan oo ka mida Baarlamaanka Federaalka ay Qurbejoog yihiin, 3 meelood hal meelna ay golaha wasirada kasoo jeedaan Qurbejoogta, 8 Wasiir ayuu sheegay inay yihiin Somali-Canadian.



