Sunday, July 13, 2025

Ra’iisal Wasaare ku xigeenka Soomaaliya oo soo jeediyey in Muddo xileedka Dowladda laga dhigo 5 ilaa 7 Sano.

Ra’iisal wasaare ku xigeenka xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa so jeediyey in muddo xileedka dowladda Soomaaliya uu noqdo 5 ilaa 7 sano.

Isagoo ka hadlayey Shirka Madasha Dhaqaalaha Qaranka ee maanta ka furmay magaalada Muqdisho ayuu sheegay in loo baahan yahay deganaansho siyaasadeed si loo gaaro dega3naan siyaasadeed oo dowladda hadda jirta ay madaxdeedu garteen inay wada shaqeeyaan.

“Anagoo eegeyna dalal waa’ hore tegay sida Mareykanka ayaanu muddo xileedka dowladda ka dhignay 4 sano, waa inaan ka fekernaa muddo xileedka nagu haboon 5 sano, 6 ama 7 sano.. uma hadlayo dowladda Madaxweyne Farmaajo ee hadda xilka heysa, laakiin si mustaqbalka loo helo xasilooni dhaqaale waa in la helaa xasilooni siyaasadeed..” ayuu yiri ra’iisal wasaare ku xigeenka.

Wuxuu sheegay in afarta sano ee dowladu heysato uu sanadka hore noqdo isla qabsi sanadka u dambeeyana uu yahay olole doorasho oo dowladdu heysato oo kaliya 2 sano oo weliba uu mooshin daba socdo.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON