Wararka laga helayo Magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in Ra’iisalwasaare ku xigeenkii hore ee Soomaaliya xildhibaan Maxamed Cumar Carte uu dib ugu laabtay magaalada Hargeysa oo uu kasoo jeedo, kana baxay Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Maxamed Cumar Carte oo hadda ahaa Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federalka Soomaaliya ayaa is-casilaadiisa ka danbeysay iyadoo uu doonayey inuu tago magaalada Hargeysa oo aabihi oo siyaasi caan ahaa ku xanuunsanayo, isagoo aan muddo dheer aan arag.
Wararka ayaa sheegaya inuu xiriir dhex maray Madaxweynaha Somaliand Muse Biixi iyo Maxamed Cumar Carte, si uu magaalada Hargeysa u tago, taasoo keentay inuu ka tanaasulo Xilkii uu hayey, kana laabto siyaasadii Midnimada Soomaaliya, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay madaxweynaha Somaliland.
Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay inuu tixgeliyey codsiga Maxamed Cumar Carte iyo qoraalka odayaashiisa dhaqanka, isla markaana uu saamaxay siyaasiga Maxamed Cumar Carte.
Siyaasiyiinta kasoo jeeda Somaliland ayaa marka ay dib ugu laabanayaan laga rabaa inay cafis weydiistaan maamulka, kana laabtaan fekerkoodii ahaa Midnimada Soomaaliya.
