Tuesday, January 26, 2021

Maxkamadda Ciidamada oo xukunno ku riday Alshabaabkii ka baxsaday Xabsiga Dhexe iyo 9 Askari oo ka tirsan…

Maxamadda Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka sida ayaa Maanta xukunno kala duwan ku riday 11 Qof oo ku eedeysan weerarkii ka dhacay Xabsiga Dhexe ee Muqdisho bishii August 2020.

Eedeysanayaasha la xukumay ayaa kala ah:

Ad

1- Mubaarak Ibraahim Iidle oo ka trisanaa Alshabaab, kana baxsaday Xabsiga Dhexe, isagoo dilay askari ka tirsan Asluubta iyo qof shacab ah ayaa lagu xukumay Dil-toogasha ah isagoo Maqan.

2- Cabdullaahi Macalim Xuseen,

3- Maxamed Daahir Maxamed iyo

4- Cabdi Jire Yusuf waxaa lagu wada xukumay 5-sano oo xabsi Ciidan ah midkiiba, iyadoo laga saaray Ciidamada Asluubta oo ay ka tirsanaayeen markii lagu helay fududeynt weerarkii Xabsga Dhexe.

5-Cali Barre Cali Maxamed oo ka tirsanaa Ciidamada Asluubta ayaa lagu xukumay 3-sano oo xabsi Ciidan ah.

6- Maxamuud Nuur Isaaq (Forex) oo ahaa nin ku eedeysnaa FOREX oo ganasi yaryar ka waday xabsiga dhexe oo fududeeyay hubkii la geliyey gudaha xabsiga ayaa lagu xukumay 5-sano oo Xabsi Ciidan ah.

7-Maxamed Nuur Maadeey

8-Maxamed Maxamuud Mataan

9-Cumar Xasan Abtidoon iyo

10-Isaaq Geedi Ibraahim oo dhammaantood ka tirsanaa Asluubta ayaa lagu xukumay min 6 Bilood oo xabsi Ciidan ah.

11- Cabdi Axmed Maxamuud oo isna ciidamada Asluubta ka mid ahaa ayet Maxkamaddu dambi ku weyday oo lasii daayey.

Ciidamada Asluubta ee xukunka lagu riday ayaa lagu soo eedeeyay inay ka gaabiyeen shaqadooda. Guddoomiyaha Makxamadda Col. Xasan Cali Nuur ayaa sheegay inay heystaan muddo bil ah oo rafcaan ku qaadan karaan.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

153,921FansLike
2,316FollowersFollow
5,729FollowersFollow
153,921FansLike
2,316FollowersFollow
5,729FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON

WARARKA UGU SHIDAN

error: Content is protected !!