Thursday, April 18, 2024

Xildhibaan Maareeye oo qarxiyey Qorshe ay wataan xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha

Wasiirkii hore ee Warfaafinta Xildhibaan Maxamed Cabdi Maareeye ayaa shaaciyey qorshe ay madaxda dowlada Federaalka ku doonayaan inay faragelin ku sameeyaan Guddiga Doorashada ee ka imaanaya Somaliland.

Qoraal uu soo saaray ayuu xildhibaan Maareeya ku qarxiyey qorshe laga war helay oo ah in wasiiro ka tirsan xukuumadda iyo xogheynta Xafiiska Madaxtooyada ay wataan Liisas ay doonayaan inay ku qoraan xubnaha Guddiyada Doorashooyinka Somaliland, wuxuuna ka digay in xubnahaasi aanay beylah ahayn, lana mid yihiin kuwa dowlad Goboleedyada.

Maareeye wuxuu sheegay in magacaabidda xubnaha guddiyada Doorashada uu leeyahay guddoomiyaha Aqalka Sare, mar haddii uu doorashadii 2016 xubnahaasi magacaabay guddoomiyihii Baarlamaanka Prof. Jawaari.

Ad

Warka Wasiirkii hore ee warfaafinta ayaa soo baxay kadib kulan ay yeesheen Guddiga uu magacaabay Guddoomiyaha Aqalka Sare oo uu isagu ka mid yahay.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON