Qoraal kasoo baxay xafiska Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa lagu sheegay in Howlaha Doorashada iyo darar gelintooda loo xil saaray Wasiiru dowlaha Xafiiska Ra’iisal wasaaraha.
C/xakiin Xasan Ashkir ayaa mas’uul ka noqon doona howlaha isku xirka iyo wada shaqeynta Xukuumadda, dowlad Goboleedyada iyo Hey’adaha Caalamiga howlaha la xiriira habsami u socodka doorashooyinka. Arintan ayaa imaaneysa iyadoo uu dhowaan Ra’iisul Wasaare Rooble ku dhawaaqay in la guda galayo howlaha doorashooyinka.
Lama oga sida loo dardargelin doono Doorasho aan weli bilaaban oo khilaaf ka taagan yahay, iyadoo aa laga heshiin sadded qodob oo muddo saddex bilood ka badan u xayirneyd Doorashaa Federaalka ee 2021.
C/xakiin Ashkir oo hore u soo noqday Wasiiru dowlaha Wsaaaradda Diinta iyo Awqaafta ayaa dhowaan loo magacaabay wasiiru dowalaha Xafiska Ra’iisal wasaaraha markii dowladda Sacuudiga ay diiday inay aqbasho xilja safiirka Soomaaliya ee Sacuudiga oo Bishii ay 2019 uu u magcaabay Madaxweyne Farmaajo.

