Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku dhawaaqay in xilli Doorasho la galay, isagoo soo saaray Faafinta & Dhaqangalinta Heshiiskii Siyaasadeed ee Doorashooyinka 2020/2021.
Ra’iisal wasaraha oo aan weli soo dhisin xukuumad ayaa ka hadlay heshiiska 1-da bishan Oktoobar kasoo baxay madaxda dowladda federaalka iyo dowlad Goboleedyada ee laga soo saaray hab-raacyda Doorashada dalka ee 2020/2021, wuxuuna u mahad celiyey Madaxweynaha iyo madaxda dowlad Goboleedyada.
“Xukuumadda Federaalka iyadoo eegeysa muhiimadda ay leedahay in Doorashooyin xalaal ah oo daahfuran dalka ka dhacaan, waxay ku wargelinaysaa dhammaan hay’adaha Qaranka inay waajibaadka uga aadan ka gutaan si waafaqsan habraaca heshiisyada doorashada ee lagu heshiiyey. Aniga iyo xukuumadeyda waxaan hoggaamin doonnaa geedi socodka Doorasooyinka xor iyo xalaal ah, daahfuran, kuna dhacda si nabad ah, halkudhigga xukuumadda ee xilligan waa “DOORASHO AYAA LOO DHAQAAQAYAA..” ayuu yiri Ra’iisal wasaaraha oo warbaahinta dowladda ka hadlay.
Ra’iisal wasaaraha cusub ee Maxamed Xuseen Rooble ayaa u baahan inuu soo dhiso Gole Wasiiro, isla markaan qorshihiisa shaqo u gudbiyo Baarlamaanka si kalsooni loo siiyo xukuumaddiisa inta aanu wax howl ah ku dhaqaaqin.
HOOS KA DAAWO