Monday, June 23, 2025

Ra’iisal Wasaare Rooble oo mas’uulkii saddexaad u magacaabay Xafiiskiisa (Saameyntii Madaxtooyada oo…)

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa mas’uulkii saddexaad u magacaabay, kadib isbedel weyn oo ku sameeyay Xafiiskiisa saacadihii lasoo dhaafay.

Ra’iisal wasaare Rooble ayaa magacaabay Agaasimaha Cusub ee Hab-maamuuska Xafiiskiisa oo loo magacaabay Maxamed Faarax Sabriye, isagoo noqonaya mas’uulkii saddexaad ee xafiiska Ra’iisal wasaaraha xil cusub looga magacaabo muddo 24 saacadood ah.


Shalay ayuu Ra’iisul Wasaare Rooble magacaabay Xoghayah joogtada ah ee Xafiiskiisa oo loo magacaabay Dr. Maxamed Ibraahim Nuur, isla shalayna waxaa Afhayeenka Xukuumadda loo magacaabay Weriye hore Maxamed Ibraahim Macallimuu .

Isbedelka Xafiisak Ra’iisal wasaraha ayaa imaanaya saddex bilood kadib markii uu xilka qabtay Ra’iisal wasaare Rooble, iyadoo ay ka muuqato inuu nadifinayo saameyntii ay Madaxtooyada ku yeelatay xafiiskiisa intii lagu jiray xilligii xukuumadda xilka sii heysatay ee Mahdi Maxamed Guuleed.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON