Wednesday, June 25, 2025

Ra’iisal wasaare Rooble oo soo bandhigtay Guddiyada Doorashada ee muranka ka taagan yahay (Sawirro)

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa soo bandhigay Guddiyada Doorashada Heer Federaal iyo Guddiga Xalinta khilaafaadka Doorashada, isagoo kulan kula yeeshay Hotelka Decale ee garoonka Diyaaradaha Muqdisho.

Ra’iisal wasaaraha ayaa shaaciyey inay howlgaleen Guddiyada Doorashooyinka Heer Federaal ee Maamulka iyo Khilaafaadka, wuxuuna khudbad uu ku dul akhriyey xubnaha Guddiga u sheegay inay qabtaan doorasho cadaalad ah iyo inay hubiyaan qoondada Haweenka.

Xubnaha Guddiya ayaa waxaa ka dhex muuqday dhalinyaro fara badan iyo mas’uuliyiin ka tirsanaa xafiisyada ,adaxda sare ee dalka.

Guddigan ayay si weyn uga hor yimaadeen musharixiinta doorashada Madaxweynaha oo ku tilmaamay inay xubnaha dowladdu soo magacawday ay ku jiraan gacan-yareyaasha madaxda dowadda iyo saraakiil ciidan.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON