Ra’iisal wasaare ku xigeenka xukuumadii dhacday Mahdi Maxamed Guuleed oo madaxweyne Farmaajo sii-haye Ra’iisal wasaare u magacaabay ayaa maanta xilka Ra’iisal wasaaraha ku wareejinaya Ra’iisal wasaaraha cusub ee dalka Maxamed Xuseen Rooble.
Qoraal xalay loo diray Golaha Wasiirada xilka sii haya ayaa lagu wargeliyey xafladda xil wareejinta ee maanta ka dhaceysa xafiiska Ra’iisal wasaaraha, waxaana xil wareejinta ka qeyb galaya inta badan wasiirada xukuumadii hore.
Wasiir Khadiija Maxamed Diiriye ayaa sheegtay in Mahdi Maxamed Guuleed uu xilka ku wareejin doono Ra’iisal wasaaraha cusub, taasoo meesha ka saartay qoraalkii Ra’iisal wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre u diray Ra’iisal wasaaraha cusub kuna caddeeyay inuu diyaar u yahay xil wareejin toddobaadkan dhacda.
Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa u muuqda inuu meel iska dhigay Dalabka Ra’iisal wasaarihii ka horeeyay, isagoo xilka kala wareegaya ra’iisal wasaare ku xigeen muddo laba bilood ah xilka ku sii hayey qaab sharci darro, taasoo ay ugu wacan tahay rabitaanka Madaxweyne Farmaajo.
Waa markii ugu horeysay ee Ra’iisal wasaare cusub uu xilka kala wareego Ra’iisal wasaare ku xigeen iyadoo uu joogo Ra’iisal wasaarihii ka horeeyay ee xilkaasi hayey.
