Saturday, July 19, 2025

Ra’iisal Wasaare Xamsa: “Xamaas ma aha Aragixiso ee Urur Xoriyad doon ah”

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay ururka Xamaas ee Reer Falastiin aanu ahayn argagixiso, balse uu u dagaalamayo xoriyad.

Xamsa oo ka qeyb galay xus Siyaaro ahaa oo Muqdisho ka dhacay ayaa si weyn ugu garab istaagay ururka Xamaas iyo Dagaalka uu kula jiro Yuhuuddda Israel, wuxuuna eedeyn culus u jeediyay reer Galbeedka oo uu sheegay inay been ahayd xuquuqda Bani’aada ee ay sheegan jireen inay u doodayaan.

Dhinaca kale wuxuu ku booriyey culimada Soomaaliyeed inay hoggaamiyaan dagaalka lagula jiro kooxaha Khawaarijta oo ah mid lagu difaacayo diinta iyo jiritaanka ummadda Soomaaliyeed.

“Markii dalku halis galo dadkii hubka qaatay waxay ahaayeen culimada Soomaaliyeed oo ummadda ku hoggaaminayey difaaca dalkooda, maanta dadkeennii iyo diinteennii Khawaarij baa ku soo duushay waana in culimadu ay qaataan doorkooda hoggaaminta dagaalka Khawaarijta”. ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sanadkii labaad ka qeyb galay xuska siyaarada Sheekh Cabdulqaadir Jeylaani oo sanadkan lagu qabtay Tiyaatarka Qaranka.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON