Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa soo saaray digniin ku socota beesha Caalamka, isagoo uga digay inay isku dayaan faragelin ay ku sameeyan xaaladda Gobolka Tigray ee ciidamadiisa dagaalka kula jiraan Jabhadda TPLF.
Abiy Axmed ayaa qoraal uu soo saaray uga dalbaday beesha caalamka inay iska ilaaliyaan inay xaaladda faraha lasoo galaan, ayna ilaaliyan shuruucda caalamiga ah ee faragelin la’aanta arrimaha gudaha dowladaha; ayna sugaan inta xukuumadda Itoobiya ay ko codsaneyso in laga caawiyo qalalaasaha haatan ka taagan gobolka Tigray.
Wuxuu ka codsaday beesha caalamka inay qaddariyaan mabaa’diida aasaasiga ah ee dhigayo in la sameyn wax faragelin ah sida ku xusan xeerarka caalamiga ah, wuxuuna dhinacakale soo dhaweeyao walaac beesha caalamka ay ka muujinayaan xaaladda.
“Waxaan carabka ku adkeynayaa in Itoobiya ay leedahay awood isla markaana ay ku rajo weyn tahay inay xaliso xaaladda iyadoo loo marayo sharciga iyo xeerarka caalamiga ah” ayaa lagu bayaan kasoo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.
Arrintan ayaa imaaneysa iyadoo uu sii kordhayo cadaadiska lagu hayo dowlada Itoobiya ee ku saabsan inay joojiso dagaalka, iyadoo Golaha Amniga Q/Midoobay la isugu yeeray kulan looga hadlayo dagaalka Tigray, isla markaana dalal badanoo ka tirsan Yurub ay dalbanayaan in la joojiyo dagaalka.
