Ra’iisal wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa caawa fiidnimadii ka duulay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho.
Wafdiga Ra’iisal wasaare Kheyre ayaa ku sii jeeda Dalka Mareykanka oo la sheegay inay uga qeyb geli doonaan shir ka dhacaya magaalada Washington oo looga hadlayo arrimaha wadamada soo koraya ee Soomaaliya ay kujirto ee sanadkan 2018-ka.
Shirkan ayaa waxaa soo qabanqaabiyay Bangiga Adduunka, waxaana diirada lagu saarayaa dhaqaalaha dalalka soo koraya iyo sidii loo xoojina lahaa horumar waara oo wax ka bedel ku sameeya nolosha dalalka saboolka ah.
Wafdiga Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa kulamo kala duwan la yeelan doona madaxda ka qeybgalaysa shirkaasi. Wuxuuna safarka Kheyre imaanayaa 24 saacadood kadib markii uu kasoo laabtay dalka Imaaraadka Carabta