Ra’iisul Wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa ku amray Wasaaradda Amniga Gudaha inay soo diyaariyaan siyaasad lagu xakameynayo Qaxootiga dalka soo gelaya.
Taliyaha hoggaanka socdaalka iyo Jinsiyadaha dawladda federaalka Soomaaliya Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) oo shirka golaha wasiirrada ka qayb galay ayaa ka warbixiyay hannaanka dib-u-eegista sharciyada socdaalka iyo dal-ku-galka, ajaanibta iyo qaxootiga dalka soo geliya iyo kuwa horay u joogay iyo saamaynta qalalaasaha wadamada deriska ay ku leeyihiin qul-qulka qaxootiga dalka soo gelaya.
Ra’iisul wasaare Khayre ayaa faray dhinacyada ay khusayso in siyaasaddaa xakamaynta qoxootiga ay noqoto mid maamuus gaar siinaysa qaxootiga ka imaanaya waddamada soo dhaweeyay mawaadiniinta Soomaaliyeed xilligii ay dalalkooda ku qaxeen.