Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa xalay kulan isugu yeeray xubnaha labada Aqal ee Barlamaanka Soomaaliya oo kasoo jeeda Galmudug.
Xildhibaannada labada Aqal ee Barlamaanka Soomaaliya kasoo jeeda Galmudug iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka wadahadlay qorshaha Doorashada Galmudug iyo shirka dib u heshiisiinta ee ka furmaya magaalada Dhuusamareeb, wxuuuna Ra’iisal wasaare Kheyre ku wargeliyey howlaha xukuumadda ka wado Galmudug iyo doorka laga rabo inay ka qaataan xildhibaannada metela maamulkaasi.
Shirkan ayaa ka danbeeyay kulan uu ra’iisal wasaare Kheyre shalay la yeeshay xildhibannada xisbiga uu hoggaamiyo Xasan Sheekh oo musharax madaxweynaha Maamulka Galmudug u sharxay xildhibaan C/raxmaan Odowaa, iyagoo ka dalbaday in Doorashada Galmudug ay noqoto mid si xor ah ku dhacda.







