Ra’iisal wasaaraha cusub ee Itoobiya Abiy Ahmed ayaa soo bandhigay aragtidiisa ah in bog cusub u furmo xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Itoobiya.
Abiy Ahmed ayaa ugu horeyn sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay inuu yimaado dalkiisa labaad, isla markaana ka mahadcelinayo sida diiran ee loogu soo dhoweeyay magaalada Muqdisho, isagoo tilmaan ka bixiyay qaabka uu doonayo inuu noqdo xiriirka mustaqbalka labada dal.
Shir jaraa’id oo ay wadajir u wada qabteen Madaxweynaha Soomaaliya ayuu Ra’iisal Wasaare Abiy Ahmed Cali ka sheegay inuu qorsheynayo in Soomaaliya iyo Itoobiya ay yeeshaan hal suuq (Single market) oo labada dal ay isku wadajir isugu xirmaan iyadoo ujeedo mideysan leh oo dal waliba uu kan kale dhowrayo.
HOOS KAA DAAWO SHIRKA JARAA’ID