Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya ayaa maanta ka dhoofay magaalad Riyaad ee caasimadda Boqortooyada Sacuudiga isagoo gaaray Magaalada Jiddah.
Waxaa garoonka Caalamiga ah ee Boqor C/casiis magaalada Jidda ku soo dhoweeyay Amiirka Gobolka Maka Amiir Bandar bin C/casiis, waxaana la filayaa inu cumro u tago magaalada Maka inta aanu dib ugu soo laaban magaalada Muqdisho.
Wafdiga Ra’iisal wasaare Kheyre ayaa socdaal muddo laba maalmood ah ku qaatay dalka Sacuudiga, isagoo la kulmay boqorka dalkaasi iyo madax kale oo ay ka wahadleen xiriirka labada dal.
Ra’iisal wasaare Kheyre ayaa xalay la kulmay dhaxalsugaya Boqortooyada Sacuudiga Maxamed Bin Salman oo ay wadahadal ka yeesheen xiriirka labada dal iyo arrimaha Geeska Afrika.