Wararka laga helayo magaalada Kismaayo ayaa sheegaya inay goor dhoweyd rasaas ka dhacday magaalada xilli si weyn loo adkeeyay amniga magaalada Kismaayo oo laga sugeyay inay tagaan wafdi Mareykan ah.
Rasaasta ayaa bilaabatay markii bannaanbax ay abaabuleen taageerayaasha C/naasir Seeraar oo sheegtay inuu yahay madaxweynaha Jubbaland ka bilowday magaalada, waxaana ka hotegay ciidamada maamulka Axmed Madoobe.
Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in rasaasta oo goosgoos ahayd ay weli socoto, iyadoo ciidamo taabcsan C/naasir Seeraar iyo dadkii bannaanbaxa waday dib loogu riixay guri ay iska soo abaabuleen.
Ciidamada Axmed Madoobe ayaa la sheegay inay kala eryeen dadkii isu soo baxayoo ku sugnaa meel u dhow guriga uu magaalada Kismaayo ka degan yahay C/naasir Seeraar, waxaana marki dambe joogsaday rasaastii.
C/naasir Seeraar ayaa ku eedeeyay ciidamada Axmed Madoobe inay weerar ku soo qaadeen, wuxuuna intaas ku daray in Axmed Madoobe uu muddooyinkan dambe qorsheynayey sidii uu weerar ugu soo qaadi lahaa.
Dhinaca kale wasiirka warfaafinta Jubbaland ayaa sheegay in Seeraar iyo raggiisa ay lacag ka helaan dowladda federaalka ujeedkuna yahay inay xasilooni darro ka abuuraan magaalada Kismaayo, isagoo sheegay inaan wixii hadda ka danbeeyay loo dulqaadan doonin.