Monday, July 14, 2025

Rasaas la isku weydaarsaday Magaalada Dhuusamareeb & Wararkii ugu danbeeyay..

Wararka laga helayo magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug ayaa sheegeya in caawa rasaas laga maqlay magaalada, taasoo u dhaxeysay ciidamada dowladda iyo kuwa Ahlu suna.

Rasaasta ayaa ka bilaabatay sida la sheegay Gaari ay la socdeen ciidamo ka tirsan Ahlu suna oo ka soo baxay xarunta INJ ee fadhiga u ah madaxda Ahlu suna, kaasoo Xoog ku jiiray Bar koontarool oo ay leeyihiin ciidamada dowladda oo lagu hubiyo Gaadiidka, taasoo keentay inay rasaas ka dhex bilaabato labada ciidan.

Wararkii ugu dabeeyay ayaa sheegaya in is-rasaaseynta ay istaagay muddo kooban kadib, waxaana markaas kadib la maqlay rasaas goos goos ah oo ka dhaceysa gudaha magaalada, iyadoo isku dhow yihiin xarumaha Madaxtooyada Galmudug iyo xarunta Ahlu Suna ee INJ.

Xaaladda ayaa u muuqata mid kacsan magaalada Dhuusamareeb, inkastoo aanu jirin iska- hor imaad iyo dagaal labada dhinac u dhaxeeya xilligan marka laga reebo rasaasta la maqlayo.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON