Wararka laga helayo magaalada Hargeysa oo xiisad ka taagan tahay ayaa sheegaya in goor dhoweyd rasaas laga maqlay magaalada, isla markaana ciidamada ay xireen wadooyinka laga galo xarunta Xisbiga Waddani.
GUddoomiyaha Xisbiga Waddani C/raxmaan Cirro iyo taageerayaal la socda ayaa xoog ku jiiray ciidamadii ku sugnaa xarunta xisbigaasi, waxayna goor dhoweyd gaareen xarunta xisbiga, wuxuuna sheegay inay raasaas badan rideen ciidamada oo keenay inay askari iska dhaawacaan, wuxuuna caddeeyay inay xaq u leeyihiin inay taageerayaashooda u yeertaan, kuna shaqeeyaan xarumahooda.
Guddoomiye Cirro ayaa ugu baaqay taageerayaashiisa ugu baaqay inay isugu yimaadaan xarumahooda dhammaan gobollada Somalilanad, wuxuuna caddeeyay inaysan yeeli doonin kelitalis iyo in laga qaado xoriyadda.
Wuxuu sheegay Guddoomiye Cirro in Xukuumadda Somaliland ay iyada ku ciyaareyso nabadgelyada, oo aan Xisbina xaq loogu lahayn in xaruntoodu xoog lagu qabsado. “Aniga rasaas la igu rido iyo kaare la ii soo kaxaysto midna naga joojin mayso in aanu waajibaadkayagu gudano oo aan xafiiskaygii tago..” ayuu yiri Guddoomiye Cirro.
Dhinaca kale waxaa weli xiran xoghayihii iyo afhayeenkii Xisbiga Waddani oo xalay ay qabteen ciidamada Somaliland, iyadoo magaalada Hargeysa ay xaaladeeda tahay mid kacsan oo dhaqdhaqaaqu ka yar yahay sidii hore.


