Ra’iisal wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa amar cusub kusoo rogay xubnaha ay dib u soo magacaabeen dowlad Goboleedyada ee ka mida Guddiyada DOorashooyinka.
War kasoo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa lagu sheegay inuu warbixin ka dhageystay Guddiga Xaqiijinta Xubnaha Guddiyada Doorashooyinka, isla markaana uu amray inay habraaca hubinta marsiiyaan xubnaha cusub ee ay soo magacaabeen dowlad-goboleedyadu.
Rooble ayaa ugu ku baaqay in xubnaha harsan dhaqso loo soo gudbiyo ayna soo magacaabaan dhinacyda laga sugayo si loo mariyo habka hubinta iyo xaqiijinta.
Kala shaandheynta Guddiyada Doorashada heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed oo ahayd qodobka koowaad ee heshiiskii Doorashada ayaa qaatay in ka badan 10 maalmood iyadoo aan weli qodobkaasi la dhammeystirin, waxaana loo qoondeeyay in muddo 5 maalmood ah lagu gabagabeeyo.
Waxaa soo baxaya warar sheegaya in xubnihii laga saaray guddiyada Doorashada lagu soo bedelay xubno kale oo ay ehel yihiin, iyadoo ay magacaabidda Guddiyada maamul Goboledyada Galmudug, Hirshabeelle iyo K/Galbeed la sheegay inuu saameyn ku leeyahay Agaasimaha NISA Fahad Yaasiin.
