Ra’iisal wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa farriin u diray dadkii ka qaxay xaafado ka tirsan magaalada Muqdisho, isagoo ugu baaqay inay dib u soo laabtaan.
Farriin kasoo baxday xafiiska Ra’iisal wasaaraha ayaa lagu yir: “Waxaan ugu baaqayaa dadkii ku barakacay qalalaasihii maalmahan ka jiray Muqdisho in ay guryahooda ku soo laabtaan”.
Dhinaca kale wuxuu Ciidamada dowladda faray inay shacabka u fududeeyaan in ay guryahooda iyo ganacsiyadooda ku soo noqdaan, isagoo sheegay inay ka go’an in shacabkeennu helaan nabad iyo xasillooni.
Baaqa Rooble ayaa imaanaya iyadoo aan weli la fulin dalabkiisii hore ee ahaa inay dhammaan ciidamada dib ugu laabtaan xerooyinkooda, waxaana weli magaalada ka jira dhaqdhaqaaq ciidan.
Ciidamada kasoo horjeeda muddo kororsiga socon waayey ee Maxamed Farmaajo ayaa xalay xortay degaano cusub oo ka tirsan degmooyinka Waqooyiga Muqdisho.
Dhinaca kale Madaxtoyada Soomaaliya ayaa ciidamo ka tirsan Booliska Haramcad kasoo celisay magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Beledweyne ay uga howlgalaan magaalada Muqdisho.
