Monday, July 14, 2025

Rooble oo casuumaad u diray Madaxda Maamul Goboleedyada iyo xilliga uu dhacayo shir loogu yeeray

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa shir wadatashi ku casuumay madaxda maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

Shirkan ayaa lagu dhawaqay inuu 20-ka bishan May 2021 ka dhici doono Muqdisho, sida uu shaaciyey Afhayeenka xukuumadda Maxamed Ibraahim Macallimuu, taasoo ku timid kadib la-tashiyo uu Rooble la sameeyay madaxda maamul Goboleedyada.

Afhayeenka yaa sheegay in shirka dib loogu dhigay, iyadoo lagu jiro tobankii danbe ee bisha Ramadan, kadibna la gelayo ciidul fitriga, taasina ay keentay in xilliga shirka uu gadaal u dhaco.

Arrintan ayaa yimid, iyadoo madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Maxmaed Farmaajo uu maamulka doorashooyinka dalka iyo amnigooda ku wareejiyey ra’iisul wasaaraha Maxamed Xuseen Rooble.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON