Monday, June 23, 2025

RW Rooble iyo Madaxda Maamul Goboleedyada oo tegay Hotel ku yaalla Xeebta Liido (Sawirro)

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Xilgaarsiinta Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada ayaa munaasabad Qado Sharaf ah u tegay Hotelka Elite ee ku yaalla Xeebta Liido, degmada C/casiis.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa qado sharaf mahadcelin ah u sameeyay Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada, Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed, Galmudug Axmed Cabdi Kaariye, Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen, Jubbaland Axmed Maxamed Islaam iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamed Maxamuud.

Kulanka ayaa ahaa mahad celin guushii laga gaaray shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee Doorashooyinka oo shalay si rasmi ah loo soo gabagabeeyay, laguna garay go’aano muddo 2 bilood ah lagu qabanayo Doorashada.

Madaxda ka qeyb gashay Qado sharafta ayaa sawirro iyo muuqaallo isaga qaaday Hotelka, waxaana loogu qaaday heeso lagu madadaallinayo, waxaana wehliyey dhalinyaro faro badan oo gacan-yareyaal ah iyo saxaafadda.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON