Tuesday, September 21, 2021

RW Rooble la-xisaabtan ku bilaabay Wasaaradda Maaliyadda, Bankiga Dhexe iyo Xisaabiyaha..

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa shir gaara oo la-xisaabtan ah la yeeshay hay’adaha maaliyadda dalka sida Wasaaradda Maaliyadda, Bangiga dhexe iyo Xisaabiyaha guud.

Shirkan ayaa ku saabsnaa arrimaha maaliyadda iyo ilaalinta habka maaliyadda iyo bixinta kharashyada dowladda. War kasoo baxay xafiiska Ra’iisal wasaaraha ayaa lagu sheegay in kulankan yimid, isagoo ka duulaya waajibaadkiisa korjoogreynta, la xisaabtanka iyo xiriirinta shaqooyinka hay’adaha dowladda.

“Kulanka ayaa looga hadlay daahfurnaanta Nidaamka Maamulka Maaliyadda dalka, joogteynta bixinta mushaaraadka shaqaalaha dowladda iyo ciidanka, kharashaadka wasaaradaha iyo hay’adaha kale ee dowladda, xoojinta wadashaqeynta dhexdooda ah iyo dardar gelinta howlaha deyn cafinta” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Xafiiska Ra’iisal wasaaraha.

Ad

Arrintan ayaa imaaneysa iyadoo Ra’iisal wsaare Rooble uu dhowaan ku maray wasaaradda maaliyadda iyo Bankiga Dhexe inaysan bixin karin kharash aanu ogolaan Ra’iisal wasaaraha.

May be an image of 1 person
May be an image of 3 people, people standing and indoor
- Advertisement -
- Advertisement -

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

159,384FansLike
2,430FollowersFollow
5,854FollowersFollow
159,384FansLike
2,430FollowersFollow
5,853FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON

error: Content is protected !!