Monday, July 7, 2025

RW Rooble oo Amray in Somaliland loo fasaxo ku dhow 12 Milyan oo Dollar

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa amray in Somaliland si deg deg ah loogu fasaxo lacag ku dhow 12 Milyan oo Dollar.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Rooble ayaa lagu sheegay in lacagtaasi ay ahayd mid ku jirtay xisaabta Dowladda Federalka Soomaaliya, taasoo ah deeq caalami ah oo loogu talogalay mashaariicda horumarinta Somaliland.

” Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa amray in si deg deg ah loo fasaxo lacag dhan $ 11,700,000 ( Kow iyo Toban Milyan iyo Toddobo Boqol oo Kun oo Doollar) oo ku jirta xisaabta DFS, taas oo ah deeq caalami ah oo loogu talogalay mashaariicda horumarinta Somaliland, si loogu xoojiyo howlaha gurmadka ee looga jawaabayo masiibadii ka dhalatay dabkii baabi’iyay suuqa weyn ee magaalada Hargeysa” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Xafiiska Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya.

Dab xoog leh ayaa baab’iyey suuqa ugu weyn magaalada Hargeysa ee Waaheen habeenkii Jimcaha, kaasoo geystan qasaare baaxad leh.

May be an image of 1 person and sitting

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON